Arsenal Oo Qorshe Cajiib Ah U Dagsatay Helitaanka Saxiixa Adrien Rabiot, Hal Dhagax Ayay Laba Shimbrood Ku Dilaysaa

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay dagsatay qorshe cajiib ah oo ay ku heli karto xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda PSG ee Adrien Rabiot.

Wargayska Daily Star ayaa sheegaya in ay Arsenal diyaarinayso in ay kooxda PSG miiska u saarto xiddiga khadka dhexe ee Mesut Ozil si ay iyaguna u helaan adeega xiddiga Adrien Rabiot.

Adrien Rabiot ayaa lala xiriirinayaa in uu isaga tagayo kooxda PSG kadib markii uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda PSG.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa lala xiriirinayay kooxda Barcelona laakiin kooxda reer Spain ayaa haatan u muuqata mid isaga hadhay xiiseheeda.

Wararka ayaa sheegaya in ay Arsenal haatan doonayso in ay PSG u soo bandhigto xiddiga reer Germany ee Mesut Ozil kaas oo ay dhankooda doonayaan in ay iska diraan.

Arsenal ayaa sheegaysa in ay ku kalsoon tahay in ay dhamaystiri karto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee reer France.

Adrien Rabiot ayaa tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery kaga soo hoos ciyaaray kooxda PSG ka hor intii uuna tabababraha reer Spain isaga tagin kooxda dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Qorshahan ayaa ah mid cajiib ah oo ay Arsenal laba shimbirood hal dhagax ku dilayso kaas oo ay Isku dhaafinayso Mesut Ozil iyo waliba in ay helaan xiddiga 23 jirka ah ee Rabiot oo uu Emery garanayo qaab ciyaareedkiisa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here