Arsenal Oo Looga Digay In Ay Xitaa Amaah Kula Soo Wareegto James Rodriguez Bishan, Sabab

Halyeeyga Kooxda Arsenal ee Lauren ayaa kooxdiisii hore u sheegay in ayna u dhaqaaqin saxiixa xiddiga khadka dhexe ee James Rodriguez inta lagu jiro bishan January isaga oo sheegay 3 sababood.

Kubad sameeyaha khadka dhexe ayaa haatan amaah ku jooga kooxda Bayern Munich waxana si weyn loola xiriirinayaa in kooxda Arsenal.

Gunners ayaa kaliya 3 milyan oo euro ku heli karta bishan hadii ay diyaar u tahay in ay xiddiga ku qaadato heshiis amaah ah inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Markii halyeeyga Arsenal ee Lauren wax laga waydiiyay in ay Arsenal la saxiixato James Rodriguez ayuu u sheegay Bwin” Anigu ma hubo in ay Arsenal si aad ah uga fiirsanayso saxiixa James Rodriguez, xitaa hadii ay tahay amaah”.

“James Rodriguez Waxa uu leeyahay tayo cajiib ah laakiin calaamada digniinta ah ayaa ah in uuna midkoodna la qabsan Real Madrid iyo Bayern Munich”.

“Waxa uu Arsenal la iman doonaa mushahar waali ah sidaas darteed waa in ay Arsenal hubiso in uu la qabsan karo falsafada kooxda”.

“James Rodriguez waxa uu ciyaaray kulamo waaweyn oo uu u ciyaaray kooxo waaweyn wax shaki ahna kama jiro tayadiisa”.

“Hadii uu Emery ka soo saari karo qaab ciyaareedkiisa ugu fiican waxa uu kooxda ku yeelan karaa saamayn xoogan isaga oo ka caawin kara in ay kooxdu u soo baxdo tartanka champions League xilli ciyaareedkan”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here