Taageeraha weyn ee Piers Morgan ayaa ku booriyay Arsenal inay lasoo saxiixato Cristiano Ronaldo ka dib markii 37 jirkaan kansalay heshiis uu kula jiray Man United.

Kadib waraysigii xasaasiga ahaa ee uu Ronaldo siiyay Piers Morgan, Man United ayaa shaacisay in ay si is af garad ah ku kansashay heshiiska xiddiga reer Portugal.

Go’aankan ayaa la macno ah in uu Ronaldo qaab xor ah ugu biiri karo koox kasta oo uu doonayo suuqa January.

Kooxaha chelsea, Sporting Lisbon iyo kooxaha horyaalka maraykanka ayaa ka mid ah kooxaha doonaya xiddiga reer Portugal.

Laakiin Morgan oo ah taageere Arsenal ah ayaa ku booriyay Gunners in ay si xor ah kula soo wareegaan Ronaldo.

Kadib markii la xaqiijiyay in uu Ronaldo ka tagay Man United ayuu Morgan Bogiisa Twitter-ka soo dhigay sawir Ronaldo oo haysta maaliyad ay ku qorantahay Magaca iyo Number-ka 7.

Morgan ayaa sii raaciyay qoraal ah”Waxa la gaadhay wajigii 2-aad”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here