Arsenal Oo Ku Qasbnaan Doonta In Ay Bixiso Mushaharka Mesut Ozil Xitaa Hadii Ay Iska Fasaxdo Suuqa January, Sabab.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay bixin doonto mushaharka xiddiga khadka dhexe ee Mesut Ozil xitaa hadii ay iska dirto inta lagu jiro suuqa Janaury ee bishan.

Ozil oo 29 jir ah ayaa ka baxay qorshaha tababare Unai Emery tan ilaa markii uu kooxda ku soo biiray inkasta oo uu yahay xiddiga ugu mushaharka badan isaga oo todobaadkii u xaadira lacag dhan 350 kun oo Gini.

Waxa la joogaa in ay Arsenal si aad ah u doonayso in ay iska fasaxdo xiddiga si ay lacagtiisa ugu dhaqaaqdo xiddigo cusub xilli uuna Emery wax xiddig ah la soo saxiixan karin heshiis amaah ah mooyaane.

Laakiin Arsenal ayaa doonaysa in ay iska fasaxdo Ozil hadii uuna ku jirin qorshaha Ozil si ay lacagtiisa mushaharka iyo lacagta ay ku iibiyaan ugu dhaqaaqaan saxiixyo cusub inkasta oo ayna ilaa haatan wax dalab ah ka helin.

Waxa jira warar sheegaya in uu xiiso ka helayo kooxda Inter Milan iyo horyaalka shiinaha laakiin xiisahaas ayaa ah kaliya heshiisyo amaah ah taas oo la macno ah in ayna diyaar u ahayn in ay bixiyaan mushaharka waalida ah ee xiddiga kuna qasbaysa Arsenal in ay qayb weyn bixiyaan mushaharka xiddiga xitaa hadii uu amaah uga tago.

Xiddiga reer Germany ayaa la kulmay dhaleecayn xoogan oo ay sabab u tahay qaab ciyaareed liita iyo dhaawacyo u diiday in uu u ciyaaro Arsenal.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here