Arsenal Oo Ku Digatay Ole Gunnar Solskjaer Kadib Guushii Ay Ka Gaadheen Man United

Arsenal ayaa si fiican u dabaal degtay kadib markii ay 2/0 ku garaaceen kooxda Man United kulan ka dhacay Emirates kana tirsanaa premier League.

Natiijadaas ayaa Gunners ka caawisay in ay kaalinta 4-aad ee kala saraynta horyaalka premier league kala baxaan kooxda man United.

Sidoo kale waxa ay Man United dusha u saareen guuldaradii ugu horaysay ee horyaalka tan ilaa markii uu Ole Gunnar Solskjaer Tababaraha U Noqday.

Arsenal ayaa bogeeda Twitter-ka ugu digatay tababare Ole Gunnar Solskjaer kadib markii ay ciyaartu dhamaatay iyaga oo ku soo qoray “Unai’s At Weel, iyaga oo sii raaciyay sawirka Emery oo qoslaya kaydka Kana fadhiya”.

“Ole’s At The Wheel” ayaa ah hees ay taageerayaasha Man United u sameeyeen tababare Ole Gunnar Solskjaer tan ilaa markii uu tababaraha u noqday kooxda”.

Laakiin Arsenal ayaa ku digatay kadib markii ay afka dhulka u galiyeen Man United iyo tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here