Arsenal Oo Ku Cadho Bur-Burtay Fulham Guul Weyna Ku Bilaabatay Sanadka 2019

kooxda Arsenal ayaa ku ciil baxday Fulham kulan ka dhacay Emirates kana tirsanaa todobaadkii 21-aad ee horyaalka premier League.

Fulham ayaa kulanka ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo Arsenal ku qaaday weeraro halis ah oo ay Arsenal kaga dhalin kareen ugu yaraan 2 gool oo cadaan ah.

Dhanka kale Arsenal ayaan si dagan ku soo galin ciyaarta iyaga oo sameeyay khaladaad ay Fulham ka faa,iidaysan wayday.

Laakiin Arsenal ayaa ku hor martay goolka iyaga oo uu goolka 1-aad u dhaliyay xiddiga Grant Xhaka kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 daqiiqadii 25-aad.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Arsenal 1/0 ku hogaaminaysay laakiin ay Fulham dhalin kartay ugu yaraan 2 gool marka loo eego furadihii ay heleen.

Qaybtii dambe Ayay Arsenal ku bilaabatay si cajiib ah iyaga oo raadinayay in ay sii dheerystaan natiijada ciyaartana dilaan.

Daqiiqadii 55-aad ayay Gunners dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Alexandre Lacazette kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Kooxda Fulhma ayaa hal gool iska soo baday daqiiqadii 69-aad iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Aboubakar Kamara kaas oo ciyaara ka dhigay 2/1.

Arsenal vs Fulham LIVE score at Emirates Stadium – Premier League

Gunners ayaa sii waday dadaalkii ay ku doonaysay in ay ku dhaliso goolal kale si ayna Fulham ugu soo laaban ciyaarta.

Daqiiqadii 79-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Aaron Ramsey kaas oo ka dhigay ciyaarta 3/1.

Wiilasha Emery ayaan halkaas ku joogsan waxa ay sii wadeen weeraradii ay ku wadeen Fulham iyaga oo doonayay in ay ka dhaliyaan 5-tii gool ee ay Liverpool ka dhalisay Sabtidii.

Daqiiqadii 83-aad ayay dhaliyeen goolka 4-aad iyaga oo uu marka dhaliyay xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo dhaliyay goolkiisii 14-aad hogaankana u dheeraystay gool dhalinta premier League.

Arsenal ayaa isku dayday in ay sii dheeraysato natiijada laakiin waxa u suurtagali wayday in ay goolal kale dhaliso.

Waxana sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal guul weyn ka gaadhay Fulham kuna cadho bur-burtay guul qurux badana ku bilaabatay sanadka 2019.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here