Arsenal Oo Jawaab Adag Kala Kulantay Laba Kooxood Oo Ay U Soo Bandhigtay Adeega Mesut Ozil.

0

Mustaqbalka Mesut Ozil ee Arsenal ayuu shaki weyn ku jiraa xilli uuna kubad sameeyahay reer Germany mid ahayn qorshaha tababare Unai Emery.

Tababaraha reer Spain ayaa doonaya in uu kooxdiisa ka diro xiddiga reer Germany isaga oo doonaya in uu helo lacag uu dib ugu dhiso kooxdiisa.

Laakiin mushaharka Ozil ee 350 kun ee Gini ayaa dhibaato weyn ku ah in uu tababaruhu helo xiddigaha uu doonayo in uu ku dhiso kooxda.

Sida laga soo xigtay Wararka ka imanaya Italy Inter Milan ayaa iska diiday fursad ay kula saxiixan lahayd 30 jirkan marka la gaadho xagaaga.

Inter Milan ayaa bilo lala xiriirinayay Ozil xilli ay Gunners raadinayso sidii ay isaga diri lahayd xiddiga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wararka ayaa sheegaya in ay Arsenal la xiriirtay Inter Milan ula soo bandhigtay saxiixa xiddiga si ay u helaan marka la gaadho xagaaga.

Laakiin Maamulka Inter Milan ayaa sheegay in ayna doonayn Ozil xitaa hadii ay qayb ka mid ah bixinayaan mushaharkiisa.

Sida laga soo xigtay wargayska Calciomercato, Arsenal ayaa la xiriirtay dhawaan kooxda Juventus si ay ugu soo bandhigto xiddiga.

Laakiin kooxda difaacanaysa horyaalka Serie A-da ayaa si cad u sheegtay in ayna doonayn wax xiiso ahna u qabin xiddiga Mesut Ozil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here