Arsenal Oo Heshiis Cusub U Soo Bandhigaysa Rob Holding Inkasta Oo Uu Ku Maqan Yahay Dhaawac Wakhti Dheer Ah

Kooxda Arsenal ayaa ku dhaw in ay heshiis cusub oo wakhti dheer ah u soo bandhigto xiddiga daafaca uga ciyaara ee Rob Holding inkasta oo uu ku maqan yahay dhaawac wakhti dheer ah.

23 jirkan daafaca dhexe ayaan la filayn in uu mar kale u ciyaaro kooxdiisa Arsenal kadib dhaawac jilibka ah oo soo gaadhay December.

Si kasta ha ahaatee qaab ciyaareed fiican oo uu soo bandhigay kulamadiisii ugu dambaysay ka hor dhaawaca ayaa ka dhigtay in uu joogto ugu ciyaaro kooxda.

Tababare Unai Emery ayaa doonaya in uu heshiis cusub ku abaalmariyo xiddigan kadib horumarka fiican ee uu ka sameeyay qaab ciyaareedkiisa.

Heshiiska cusub ayaa sidoo kale u fiicnaan doona soo kabsashada xiddiga oo uu haatan ku jiro si uu diyaar ugu ahaado xilli ciyaareedka dambe.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here