Arsenal Oo Guul Ay U Qalantay Ka Gaadhay Chelsea & Tartanka Kaalinta 4-aad Oo Sii Xoogaystay

Kooxda Arsenal ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda ay jaarka yihiin ee Chelsea kulan ka tirsanaa horyaalka premier League kana dhacay garoonka Emirates.

Kulanka ayay labada kooxood ku soo galeen iyaga oo kala wata laba u jeedo oo koox walba midkeedu muhiim u yahay aadna u doonaysay 3-da dhibcood.

Kooxdii Martida ee chelsea ayaa kulanka u soo gashay sidii ay 9 dhibcood uga horayn lahayd Arsenal tartanka loogu jior kaalinta 4-aad.

Halka kooxda Arsenal ee Martida loo ahaa ay ka go,anayd in ay ku soo laabato wadada guulaha dhibcaha ay ka dambayso chelsea-na ka dhigto 3 dhibcood.

Arsenal ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo chelsea ku qaadayay weeraro ay doonayeen in ay goolal kaga dhaliyaan.

Gunners ayay midaas u suurtagashay kadib markii ay daqiqiadii 14-aad ka dhaliyeen Chelsea goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Alexandre Lacazette kaas oo hogaanka u dhiibay Arsenal.

Goolkaas ayaad mooday in uu Hurdada ka kiciyay Chelsea iyaga oo la wareegay maamulista ciyaarta sidoo kale qaadayay weeraro.

Laakiin Kooxda Arsenal ayaa si cajiib ah u difaacatay iyaga oo Chelsea ka hor istaagay wado kasta oo maraysay goolkooda.

Wiilasha Unai Emery ayaa kaga yaabsaday chelsea gool kale daqiiqadii 39-aad iyaga oo uu u dhaliyay kabtankooda Laurent Koscielny kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal si qurux badan ciyaarta u hogaaminayso Chelsea-na u awood sheegtay qaybtii hore.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayayna waxba iska badalin inkasta oo ay labada kooxoodba sameeyeen fursado waxana 2/0 ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal qaybta horeba 3-da dhibcood jeebka ku shubatay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here