Arsenal Oo Guul Ay U Qalantay Ka Gaadhay Burnley & Pierre-Emerick Aubameyang Oo Laba Jeer Shabaqa Soo Taabtay

0

Kooxda Arsenal ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Burnley kulan ka dhacay Emirates kana tirsanaa horyaalka premier League todobaadkiisii 18-aad.

Kulanka ayaa ku bilowday si diiran iyada oo ay labada kooxoodba qaadayeen weeraro iyo waliba qaab ciyaareed ay ku raadinayeen in ay natiijada wax kaga badalaan.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dhaliyay goolkii ugu horeeyay ee Arsenal isaga oo daqiiqadii 14-aad shabaqa soo taabtay kadib baas uu ka helay xiddiga Sead Kolasinac
.

Wixii intaas ka dambeeyay kooxda Arsenal ayaa heshay fursado halis ah oo ay ku doonaysay goolal halka kooxda Burnley ay qaadaysay weeraro goos-goos ah oo rogaal celis ah.

Arsenal vs Burnley LIVE score at Emirates Stadium – Premier League

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Arsenal ku hogaaminayso 1/0 sidoo kale labada kooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Labada kooxodba ku soo galeen si fiican iyada oo Arsenal raadinaysay in ay sii dheeraysato natiijada halka Burnley ay doonaysay in ay Ba-barayso.

Arsenal ayaa heshay wixii ay doonaysay iyada oo uu goolka 2-aad u dhaliyay isla xiddiga weerarka uga ciyaara ee Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo dhaliyay goolkiisii 2-aad ciyaartana ka dhigay 2/0.

Burnley ayaa samaysay iska caabin fiican waxana ay qaaday weeraro badan oo ay ku doonayso in ay ugu soo laabato ciyaarta iyaga oo u muuqday qaad ka gacan sareeyay Arsenal.

Daqiiqadii 63-aad ayay Burnley dhalisay goolka 1-aad ee ciyaata iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Ashley Barnes kaas oo ciyaarta kad dhigay 2/1.

Arsenal ayaan dhankeeda iska dhiibin in ay sii dheeraysato natiijada iyaga oo qaaday weeraro halis ah si ay u dhaliyaan gool kale una dilaan ciyaarta wakhti hore.

Daqiiqadii 91 ayay Arsenal dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Alex Iwobi kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1 natiijadana u dheereeyay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal sidaas ku gaadhay guul ay u qalantay uguna soo laabatay wadada guulaha kadib guuldaradii lama filaanka ahayd ee ka soo gaadhay Southampton.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here