Arsenal Oo Garaacday Blackpool, Da,yarka Joseph Willock Oo Laba Gool Isku Baray Emery & Gunners Oo Iska Xaadirisay Wareega 4-aad Ee FA Cup-ka

Kooxda Arsenal ayaa guul ka gaadhay kooxda Blackpool iskan xaadirisay wareega 4-aad ee tartanka FA Cup-ka kulan ka dhacay garoonka Bloomfield Road.

Tababare Unai Emery ayaa is badal weyn ku sameeyay shaxdiisa isaga oo shaxdiisa u badiyay xiddigo da,yar u badan isaga oo nasiyay xiddigaha waaweyn ee kooxda.

Gunners ayaa ahayd kooxda awooda badan iyaga oo si dar-dar leh ku bilowday ciyaarta kuwaas oo raadinayay goolal wakhti hore ah.

Midaas ayaa u suurtashay waxana ay Arsenal daqiiqadii 11-aadba dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Joseph Willock kaas oo hogaanka u dhiibay koxoda Arsenal.

Kooxda Blackpool ayaa isku dayday in ay iska caabiso Arsenal laakiin fursadaha ay qaadaysay ayaan ahayn qaar khatar galinayay Arsenal..

Arsenal ayaa dhankeeda samaysay furdado khatar ah oo ay ku doonayeen in ay ugu dheeraystaan hogaanka ciyaarta goolal-na ugu dhaliyaan.

Daqiiqadii 37-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay isla xiddiga Joseph Willock kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Arsenal si qurux badan u ciyaartay una awood sheegatay kooxda Blackpool.

Qaybtii dambe ayay kooxda Arsenal sii waday in ay u awood sheegato kooxda Blackpool kuwaas oo gabi ahaan juuqda gabay.

Arsenal ayaa daqiqiadii 82-aad dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara ee Alex Iwobi kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal sidaas ku gaadhay guul 3/0 ah isakna xaadirisay wareega xiga ee tartanka FA Cup-ka

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here