Arsenal Oo Doonaysa Saxiixa Antonio Valencia & Wakiilkiisa Oo Xaqiijiyay

0

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay xiiso u qabto saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Man United ee Antonio Valencia marka la gaadho suuqa xagaaga sida uu xaqiijiyay wakiilka ahna aabaha xiddiga.

Valencia oo 33 jir ah ayuu heshiiskiisa Man United dhici doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib markii ay kooxdu doorbiday in ayna dhaqan galin heshiiskii halka sano ahaa ee dookha ahaa.

Taas ayaa la macno ah in la hubo in uu Valencia si xor ah uga tagi doono kooxda Man United 3 bilood kadib dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Luis Valencia oo ah aabaha iyo wakiilka xiddiga ayaa yidhi” Waxa hubaal ah in uuna sii joogi doonin Manchester”.

“Waxa uu doonayaa in uu jawiga badalo, sida wax walba oo nolosha ah mar ayay wax walba dhamaadaan”.

“Arsenal ayaa ka mid ah kooxaha xiisaha u muujiyay xiddiga laakiin waxa uu sidoo kale xiiso ka helayaa Inter Milan, West Ham iyo kooxaha reer china”ayuu sii raaciyay.

“Waxa uu dooran doonaa dookhiiga ugu fiican waxa intaas sii dheer in uu doonayo heshiis ugu yaraan 2 sano ah”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here