Arsenal Oo Diidi Doonta Dalab Walba Oo Suuqa Janauary U Yimaada Aaron Ramsey & Sababta Oo La Ogaaday

Wararka ka imanaya dalka England ayaa seegaya in ay kooxda Arsenal diidi doonto dalab walba oo u yimaada xiddiga khadka dhexe uga ciyaara ee Aaron Ramsey inta lagu jiro suuqa January iyaga oo diyaar u ah in uu si xor ah isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Heshiiska Ramsey ee uu kula jiro Arsenal ayaa dhici doona xagaaga dambe gaar ahaan dhamaadka xilli ciyaareedkan wax heshiis ahna umuu saxiixin kooxda.

Ramsey ayaa diirada u saaran kooxo badan oo reer yurub ah oo ay ka mid yihiin Juventus, PSG, Bayern Munich iyo qaar kale.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay Arsenal diidi doonto dalabaadka u iman doona xiddiga si ay xagaaga si xor ah isaga fasaxdo.

Arsenal ayaa doonaysa in ay ka faa,iidaysato adeega xiddiga inta lagu jiro xilli ciyaareedkan maadama ayna heli doonin badalkiisa.

Wararka yaa intaas ku daraya in uu Ramsey heshiis la gaadhay kooxda Juventus isaga oo diyaar u ah in uu si xor ah ugu biiro xagaaga.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here