Arsenal Oo Dagsatay Qorshe Ay Mesut Ozil Ugu Qasbayaan In Uu Ka Tago Kooxda.

0

Wararka ka imanaya dalka England ayaa maanta oo khamiis ah shaaca ka qaaday qorshaha ay kooxda Arsenal u diyaarsatay in ay xiddiga Mesut Ozil ugu qasabto in uu isaga tago kooxda Emirates marka la gaadho xagaaga.

Haayada Wararka England ayaa sheegaya in ay Arsenal wax walba u samayn doonto qaabkii ay u kansali lahayd heshiiska uu kula jiro kadib markii ay kooxdu khaati ka istaagtay mushaharkiisa badan iyo waliba in uu kaydka iska fadhiyo.

Xiddiga reer Germany ayaa jeebka ku shubta lacag dhan 350 Gini todobaadkii isaga oo kooxda kula jira heshiis ilaa xagaaga 2021 ah.

Xiddiga 30 jirka ah ayaan ka mid ahayn qorshaha tababare Unai Emery kadib markii uu hoos u dhacay qaab ciyaareedkiisa.

Arsenal ayaa damacsan in ay kaydka ku qudhmiso xiddiga iyaga oo waliba ku rajo weyn in uu dalban doono in uu kooxda isaga tago xagaaga kadib imaatinkii Denis Suarez.

Ozil ayaa maalintii ugu dambaysay suuqa January iska diiday in uu amaah ugu biiro kooxda PSG isaga oo sheegay in uuna meelna uga socon kooxda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here