Arsenal oo badalka Aaron Ramsey ka dooneysa kooxda Manchester United

Arsenal ayaa rajeyneysa inay saxiix cusub ka sameyso kooxda Manchester United inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ee xagaaga.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Daily Mail” ee dalka England Arsenal ayaa u baahi qabta inay lasoo saxiixato Ander Herrera, si uu u xoojiyo khadkeeda dhexe, isla markaana uu u buuxiyo booskii uu ka baxay Aaron Ramsey.

Heshiiska Ander Herrera uu ku joogo kooxda Manchester United ayaa wuxuu dhacayaa dhamaadka xili ciyaareedkan, balse sida ay wararku sheegayaan wuxuu u muuqdaa mid sii joogi doono safka Red Devils, maadaama uu muhiim ka yahay qorshaha tababare Ole Gunnar Solskjær.

Si kastaba ha ahaatee, sida ay wararku xaqiijinayaan Ander Herrera ayaan ku faraxsaneyn in maamulka Manchester United ay dib u dhigaan heshiis kordhintiisa ilaa iyo heerkan, sidoo kale wuxuusan ku qancin lacagta mushaarka todobaadlaha ah ay kooxda u soo bandhigtay.

Wadaxaajoodka lagu doonayo in lagu cusbooneysiiyo heshiiska Herrera ayaa ahaa mid uu si aad ah gaabis ugu jiro, kahro inta uusan imaanin tababare Ole Gunnar Solskjær, kaasoo dib ugu soo celiyay nolosha ciyaaryahanka reer Spain gudaha garoonka iyo banaankiisa intaba.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here