Arsenal Oo Atletico Madrid Kula Dagaalamaysa Xiddig Aad Loo Qiimeeyo

0

Kooxda Arsenal ayaa dhigeeda Atletico Madrid kula tartamasa xiddiga aadka loo qiimeeyo ee Nicolas Tagliafico daafacana uga ciyaara kooxda Ajax.

Gunners ayaa Garabka daafaca bidix laguna qiimeeyo 8-da milyan ee euro u calaamasatay in ay ku xoojiso suuqa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Laakiin wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay kooxda Atletico Madrid kula dagaalamayso Arsenal xiddiga reer Argentine.

Waxa la sheegayay bil ka hor in ay kooxda Real Madrid sidoo kale diirada u hayso xiddiga xilli ay raadinayaan xiddig bidix ah oo ay ku xoojiyaan kooxda.

Tagliafico oo 26 jir ah ayaa door muhiim ah ka ciyaaray guushii lama filaanka ahayd ee ay Ajax ka gaadhay kooxda Real Madrid kagana reebtay champions League.

Xiddiga ayaa sidoo kale 12 kulan u saftay xulka qarankiisa Argeniten isaga oo haatan ka mid ah xiddigaha xulka qaranka Argentine ee ka qayb gali doona tartanka Coppa America.

Laakiin Arsenal ayaa dagaal adag u gali doonta in ay Tagliafico ku qanciso in uu ku soo biiro Emirates maadama uu horay u qirtay xiisaha uu u qabo ka ciyaarsita horyaalka La Liga.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here