Arsenal Mise Man United? Michael Owen Oo Tilmaamay Kulanka Go,aamin Doona Dagaalka Tartanka Kaalinta 4-aad

Xiddigii hore ee kooxda Man United Michael Owen ayaa sheegay kooxda ku dhamaysan doonta kaalinta 4-aad ee kala saraynta premier League ka hor kulanka Arsenal Marti galin doonto Man United Axada.

Michael Owen ayaa rumaysan in ay Man United gabi ahaan tartanka kaalinta 4-aad ka saari doonto Arsenal hadii ay Guul ka gaadhaan Arsenal kulanka ka dhici doona Emirates.

United ayaa u safri doonta North London iyaga oo hal dhibic ka horeeya Gunners kadib markii ay dagaal u galeen galista kaalinta ay haatan ku jiraan kadib qaabkii liitay ee ay ku bilowdeen horyaalka

Arsenal ayaa dhankeeda kaalinta 4-aad ka dhacday kadib markii ay bar-baro 1/1 ah la gashay kooxda Tottenham kulan dhacay Sabtidii hore.

Michael Owen ayaa aaminsan in hadii kooxdiisii hore ay guul ka gaadhay Arsenal Axada in ay Arsenal sidaas kaga quusato kaalinta 4-aad.

“Waa in aanad iloobin ama aanad maskaxdaada gayn meel fog, Kulankii Tottenham Waxan u malynayaa in ay Arsenal ahady koox aad u fiican”ayuu u sheegay BT Sport.

“Sidaas darteed meesha kama saari kartid, haa Man United waxa ay dagaal u gashay ku soo laabashada kaalinta 4-aad”.

“Sidaas darteed kulanka waxa uu muhiim u yahay Arsenal laakiin waxa ay soo bandhigen qaab ciyaareed fiican kulankoodii ugu dambeeyay ee horyaalka”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here