Arsenal, Man United, Tottenham Mise Chelsea? Gary Neville & Jamie Carragher Oo Isku Raacay Labada Kooxood Ee Ku Dhamaysan Doona Kaalmaha Ugu Sareeya Premier League.

Khabiirada Sky Sport ee Gary Neville & Jamie Carragher ayaa saadaaliyay kooxaha ku dhamaysan doona 4-ta boos ee ugu sareeya horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Xilli ay Liverpool iyo Man City dhibco badan ka horeeyaan kuna tartamayan hanashada horyaalka premier League waxa banaan 2 boos oo loogu soo bixi karo tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe.

Chelsea ayaa kaalinta 3-aad gashay kadib markii ay guusha ka gaadhay West Ham laakiin waxa ay haatan hal kulan dheeryihiin kooxaha Tottenham, Man United iyo Arsenal.

Kaliya 5 dhibcood ayay kala sareeyaan 4-ta kooxood ee ku tartamaya booska champions league Gary Neville & Jamie Carragher ayaana isku raacay labada kooxood ee u soo bixi doona champions League xilli ciyaareedka dambe.

“Hadii aad eegto kulamada u hadhay, waxa aan eegaynaa kulamada ugu adag ee u hadhay Tottenham waxa aan odhan karnaa waa kulanka Man City ay la ciyaari doonaan, laakiin hadii aan eegno Arsenal waxa ay la ciyaari doonaan kooxo yar-yar inta ka dhiman xilli ciyaareedkan”ayuu Garry Neville yidhi.

“Dhibaatada haysata iyaga ayaa ah in ay 4 kulan ku ciyaari doonaan meel ka baxsan garoonkeeda waxana ay xilli ciyaareedka rikoodh xun ku leeyihiin kulamada martida ay yihiin”.

“Chelsea waxa u hadhay Man United iyo Liverpool oo ay marti u noqon doonaan halka ay sidoo kale United u hadheen Everton, Man City iyo waliba chelsea”.

“Marka haatan laga fikiro kooxda Tottenham ayaa ku dhamaysan doonta kaalinta 3-aad sababta oo ah waxa ay 4 kulan ku ciyaari doonaan garoonkooda”.

“Hadii aan eegno Man United waxa ay u baahan yihiin 15 dhibcood hadii ay doonayaan in ay ku dhamysataan kaalmaha 4-ta ugu sareeya waxa haatan u hadhay 6 kulan waana in ay badiyaan 5 ka mid ah”.

Carragher ayaa sii raaciyay” Tottenham waxan u malaynayaa in ay ku soo laabatay wadada saxda ah waxana ay haatan ku ciyaari doonaan garoonkooda cusub”.

“Arsenal ayaa ciyaari doonta kulamo ka fudud chelsea iyo Man United laakiin waan la yaabi doonaa hadii ay Arsenal badiso wax ka badan hal kulan oo ay marti tahay, ma arkayo in ay badiyaan wax ka badan hal kulan oo ah kulamada ay martida yihiin ee u hadhay”.

“Haa, lama ciyaari doonaan 6-da kooxood ee ugu waaweyn laakiin waa kulamo adag sidii Everton oo kale”.

“Hadii aan saadaaliyo kooxda kaalinta 4-aad waxa ay noqon doontaa Man United.

Neville ayaa sii raaciya” waan ku raacsanahay”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here