Arsenal & Man United Oo Ku Hungoobay Baacsigii Ay Ugu Jireen Isco, & Zidane Oo Sabab U Ah

Kooxaha Man United iyo Arsenal ayaa ku hungoobay baacsigii ay ugu jireen saxiixa xiddiga kooxda Real Madrid ee Isco kaas oo amaanay soo laabashada Zinedine Zidane isaga oo sheegay in ay soo laabashadiisa Real Madrid u fiicantahay cid walba.

26 jirka reer Spain ayaa si weyn loola xiriirinayay kooxaha premier league kadib markii uu ku dhibaatooday in uu kulamo u ciyaaro kooxda intii uu Santiago Solari hogaaminayay kooxda.

Zidane ayaa shaqada Tababaranimo ee Real Madrid ka badalay Santiago Solari kaas oo qalinka ku duugay heshiis ilaa xagaaga 2022 ah.

“Zidane si fiican ayaan u garanaynaa, waxa aan sidoo kale garanaynaa sidii uu ahaa markii uu ahaa xiddiga iyo waliba tababaraha”ayuu yidhi.

“Soo Laabashadiisu waxa ay u fiicantahay qof walba, Wuuna jecelyahay Real Madrid waxana uu arintaas muujiyay soo laabashadiisii”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here