Arsenal, Chelsea Mise Man United? Unai Emery Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Dhamaysan Karta Kaalinta 4-aad.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa saadaaliyay kooxda ku dhamaysan doonta kaalinta 4-aad ee kala saraynta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Unai Emery ayaa qirtay in ay adagtahay in Man United laga qaado kaalinta 4-aad ee kala saraynta premier League kadib markii ay shalay kala wareegtay kooxda Chelsea.

Arsenal ayaa 2/0 uga badisay kooxda Huddersfield laakiin waxa ay wali ka dambaysa kooxaha Man United iyo Chelsea.

Man United ayaa dhankeeda 3/0 ku garaacday Fulham iyaga oo si buuxa ula wareegay kaalinta 4-aad ee kala saraynta premier League.

Chelsea ayaa United mar kale kala wareegi karta booska laakiin waa hadii ay marka hore ugu yaraan hal dhibic ka qaadato kooxda Man City.

“Waxa lagu jiraa todobaadkii 26-aad waxana aan hal dhibic ka dambaynaa Man United”ayuu Emery yidhi.

“Hadii la i waydiiyo miyay fududahay mise way adagtahay hadii United laga qaadi karo kaalinta 4-aad, waxan ku jawaabayaa way adagtahay”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here