Arenal Oo Qabatay Shaqo Ay Kooxaha Kale Ee Premier League Ku Fashilmeen Kulankii Chelsea, Maxay Qabatay?

Kooxda Arsenal ayaa 2/0 uga badisay kooxda Arsenal kulan ka dhacay Emirates kana tirsanaa horyaalka Premier League todobaadkiisii 23-aad.

Goolal ay kala dhaliyeen xiddigaha Alexandre Lacazette & Laurent Koscielny ayaa Gunners ka caawisay in ay garaacdo kooxda chelsea.

Xiddigaha Chelsea ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed aad u xun qaybtii hore ee ciyaarta iyaga oo sameeyay khaladaad daafac iyo kuwo weerarba.

Waxa aynu odhan karnaa in ay soo bandhigtay Chelsea qaybtii ugu xumayd ee tan ilaa markii uu Maurizio Sarri la wareegay kooxda.

Arsenal ayaa qabatay shaqo ay ku fadhilmeen in ay qabtaan kooxaha kale premier League oo dhan kadib markii ay Blues ka hor istaageen in ayna wax laad ah ku laagin goolkooda markii ugu horaysay xilli ciyaareedkan sida laga soo xigtay Squawka Football.

Qaybtii dambe ayaan ahayn mid dhaanta iyada oo chelsea kaliya hal kubad ku laagtay goolka kooxda Arsenal taas oo muujinaysa dhibaatada Blues ee kulankaas.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here