Antonio Rudiger Oo Tilmaamay Diciifnimada Ugu Weyn Ee Chelsea Ka Hor Kulanka Man City

0

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda chelsea ee Antonio Rudiger ayaa doonaya in ay kooxda chelsea dib u soo celiso qaab ciyaareedkii dagaalku ku jiray kadib wakhti adag oo ay soo qaadatay Blues.

Maurizio Sarri ayaa dhawaan su,aal ka keenay dabeecadda Xiddigaha kooxdiisa kadib guuldaradii 4/0 ahayd ee ka soo gaadhay Bournemouth.

Chelsea ayaa Axada u safri doonta Etihad iyada oo la ciyaari doonta kooxda Man City xilli ay kaliya 2 dhibcood ka horeeyaan kooxda Man United oo kaalinta 4-aad ku jirta.

Sarri ayaa sheegay in ay xiddigihiisu yihiin qaar diciif ah laakiin Rudiger ayaa aaminsan in dhibaatada ugu weyn ee chelsea haysata in ay ciyaartooda ka maqan tahay ad-adayg.

“Waxa aan horay u qabanay shaqada markii loo baahnaa”ayuu Rudiger yidhi.

“Waxa aanu nahay kooxdii ugu horaysay ee garaacda Man City waana in aan si adag u dagaalano”.

“Haatan waxa aan in kubada haysanaa laakiin waxa aan u baahanahay in aanu dagaal ku darno qaab ciyaareedkeena”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here