Antonio Rudiger Oo Magacaabay Xiddigaha Isk Leh Eedii Guuldaradii Weynayd Ee Ka Soo Gaadhay Bournemouth

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Chelsea ee Antonio Rudiger ayaa shaaca ka qaaday xiddigaha iska leh eeda guuldaradii 4/0 ahayd ee chelsea ka soo gaadhay kooxda Bouremouth.

Antonio Rudiger ayaa rumaysan in ay tahay eeda xiddigaha weerarka uga ciyaara chelsea in guuldaradii weynayd ee kooxda ka soo gaadhay Bournemouth.

Chelsea ayaa guuldaradii ugu weynayd horyaalka kala kulantay Bournemouth markii ugu horaysay 23 sano kadib markii ay Bournemouth kala kulmeen guuldaradaas.

Kooxda chelsea ayaan weerar badan ku qaadin daafaca Bournemouth waxana ay ku fashilmeen in ay gool dhaliyaan 4 ka mid ah 8-dii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka.

Laakiin Rudiger ayaa rumaysan in kubad haysasho la,aanta chelsea ay Bournemouth ka caawisay in ay qaado weeraro rogaal celis ah.

“Qof walba waxa uu u baahan yahay in uu isku xishoodo wixii ka dhacay kulankii ugu dambeeyay”ayuu Rudiger ayaa u sheegay Sky Sport.

“Qof walba waa in uu ka fikiro arintaas sababta oo ah waad badin kartaa, Bar-baro gali kartaa lagaana badin karaa laakiin qaab ciyaareedka ayaa ah waxa muhiimka ah”.

“Qaybtii hore ee kulankaas run ahaantii ma qiyaasi karo qaab ciyaareedkeena wax walba waxa ay noqdeen wax aad u adag”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here