Antonio Rudiger Oo Ka Hadlay Murankii Uu Abuuray Kepa Kadib Markii Uu Dirqi Sarri Uga Qabtay Goolhayaha

Daafaca uga ciyaara kooxda chelsea ee Antonio Rudiger ayaa sheegay in uu tababaraha kooxda ee Maurizio Sarri wadahadalo gaar ah la yeelan doono goolhaye Kepa Arrizabalaga kadib markii uu goolhayaha chelsea diiday in uu boxo ama badal lagu sameeyo kulankii Man City.

Xilli ay ciyaartu ku dhawayd in ay gaadho rikoodhayaal Sarri ayaa doonayay in uu Kepa ku badalo Willy Caballero.

Laakiin Kepa oo ah goolhayaha ugu qaalisan suuqa kala iibsiga ayaa diiday in uu ka boxo ciyaarta waliba badalo Caballero.

Xilli ay labada kooxood isku diyaarinayeen rikoodhayaasha Sarri ayaa u xanaaqsanaa Kepa isaga oo u soo dhaqaaqay dhanka Kepa laakiin waxa la arkayay Rudiger ayaa u muuqday mid ka qabtay xiddiga.

“Arintan waa wax ay tababare iyo xiddigiisu tahay in ay ka hadlaan”ayuu Rudiger u sheegay Viasport.

“Ma odhan karo wax intaas ka badan”.

“Waxa aan hubaa in ay tababaraha iyo goolhayuhu ka wada hadli doonaan arinta wax walbana fiicnaan doonaan”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here