Xiddiga kooxda Ateltico Madrid ee Antoine Griezmann ayaa amaanay saamaynta Cristiano Ronaldo kadib saddexleydii uu Juventus kaga caawiyay in ay u soo baxdo wareega 8 dhamaadka tartanka champions league.
Atletico Madrid ayaa kulanka soo gashay iyaga 2/0 ku hogaaminaya kulanka kaas oo ay gaadheen lugtii 1-aad laakiin saddexley uu Ronaldo dhaliyay ayaa Atletico Madrid ka reebay champions League.
Saddexleydii uu dhaliyay Ronaldo ayaa ah midii 52-aad ee xirfadiisa ciyaareed, Griezmann ayaana amaanay qaab ciyaareedka xiddiga 34 jirka ah.
“Cristiano waxa uu sameeyay farqi koox walba oo uu u ciyaaray, waa xiddig cajiib ah ah”ayuu Griezmann u sheegay Movistar.
“Kulankii Lugtii hore wax fursad ah muu helin laakiin kulankan waxa uu helay 3 wuuna dhaliyay”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.