Anthony Martial Oo Wakiilkiisa U Sheegay In Uu Ogolaado Heshiis Cusub Oo Man United Ah

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Anthony Martail ayaa doonaya in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Man United kadib markii uu tagay Jose Mourinho.

Xiddiga reer France ayaa wadahadalo horuamr leh kula jira kooxda Man United inkasta oo uu diiday heshiis cusub bilowgii xilli ciyaareedkan sabab la xidhiidhay xiriir xun oo uu la lahaa Jose Mourinho.

Waxa uu dareemay in uuna Jose Mourinho siin doonin fursad uu ugu ciyaaro kooxda xilli ay xiddiga iyo tababaruhu dhawr jeer isku dheceen.

Si kasta ha ahaatee xiddiga 23 jirka ah ayaa haatan wakiilkiisa u sheegay in uu ogolaado in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Xiddiga reer France ayaa la filayaa in uu ogolaado in uu qalinka ku duugo heshiis uu todobaadkii ku qaaan doono 150 kun oo Gini todobaadkii.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here