Anthony Martial Oo Seegi Doona Kulanka United Maanta La Ciyaari Doonto Huddersfield

0

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Anthony Martial Ayaa u muuqda mid seegi doona kulanka ay maanta kooxda Man United la ciyaari doonto kooxda Huddersfield kadib markii xiddiga laga dhex waayay xiddigaha Man United ee soo xaadiray hudheelka Lowry hotel.

Sidoo kale United ayay ka maqan yihiin xiddigaha Romelu Lukaku & Alexis Sanchez kuwaas oo aan sidoo kale ka qayb qaadan doonin kulanka.

Lukaku ayaa la siiyay fasax isaga oo aan kooxda la safrin kulankii Cardiff sidoo kale seegi doona kulanka ay United maanta la ciyaari doonto kooxda Huddersfield.

Sanchez ayaa dhanka kale dhaawac muruqa ah ku maqan taas oo la macno ah in uu Marcus Rashford yahay xiddiga kale ee weerar toos ah ee taamka u ah kooxda Man United.

Maqnaanshaha Martail ee kulankan Ayaan wali la sheegin sababtiisa laakiin wargayska Daily Express ayaa sheegaya in ay u badantahay in uu seego kulanka.

Man United ayaa isha ku haysa in ay gaadho guusheedii 2-aad oo xiriir ah kadib markii uu Mourinho ka tagay kooxda iyada oo 5/1 uga badisay Cardiff City sabtidii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here