Anthony Martial Oo Lagu Soo Waramayo In Uu Ogolaaday In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo Man United, Imisa Ayuu Qalinka Ku Duugi Doona?

Anthony Martial ayaa lagu soo waramayaa in uu ogolaaday heshiis cusub oo 5 sano ah oo uu u saxiixi doono kooxda Man United.

Xiddiga reer France ayaa si aad ah u doonaya in uu is dul dhigo qalinka iyo warqada siina joogo kooxda ilaa xagaaga 2024 sida laga soo xigtay RMC Sport.

Solskjaer ayaa todobaadkii hore yidhi in uu gudoomiye ku xigeenka kooxda ee Ed Woodward uu wadahadalo kula jiro kooxda laakiin war fiican ka soo saaray xaaladaas.

“Waxa aan rajaynayaa in aan helno war fiican todobaadyada soo socda”ayuu yidhi.

“Kooxda waxa ay horumar ka samaynaysaa arintaas laakiin waxa shaqada wada oo aan u daynayaa dadka saxda ku ah run ahaantiina ma garanayo inta ay u jiraan”.

Martial ayaa dhaliyay 46 gool 161 kulan oo uu u saftay kooxda tan ilaa markii uu Monaco kaga soo biiray xagaagii 2015.

Mustaqbalkiisa Old Trafford ayaa u muuqday mid dhamaanaya intii uu kooxda joogay jose Mourinho laakiin haatan waxa uu qarka u saaran yahay in uu hesiis cusub u saxiixo kooxda.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ay Man United heshiis kordhinta Martail ku dhawaaqi doonto ka hor maalinta Jimcaha ee soo socota.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here