“Aniga Ayaa Ahaa Dhibaatada Ugu Weyn”:- Xiddig Man United Oo Dusha Saartay Eeda Guuldraradii Man United Ka Soo Gaadhay Everton.

Xiddig kooxda Man United ah ayaa dusha saartay masuuliyadii guuldaradii kooxda Red Devils ka soo gaadhay kooxda Everton kulan ka tirsan horyaalka premier league todobaadkiisii 35-aad kulan ka dhacay garoonka Cardiff City Staduim.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Nemanja Matic ayaa dusha saartay masuuliyada guuldaradii 4/0 ahayd ee ka soo gaadhay kooxda Everton kana tirsanaa horyaalka premier League.

Kooxda Man United ayaan wax laag ah ku laagin goolka kooxda Everton ilaa daqiiqadii 85-aad ee qaybtii dambe ee dhamaadka ahayd ee ciyaarta xilli dhaleecayn weyn la kulmeen xiddigaha Man United dhamaantood.

Xiddiga Matic ayaa dhaawac uga maqnaa kooxda Man United isaga oo aan wax kulamo ah u ciyaarin kooxda tan ilaa guushii 2/1 ahayd ee ay 30 bishii March ka gaadheen kooxda Watford.

Laakiin xiddiga ayaa ku soo laabtay shaxda United kulankii Everton laakiin sida xiddigaha Man United ee kale xiddiga ayaa soo qaatay kulan uu doonayo in uu iska iloobo.

Isaga oo la hadlaya TV2 ciyaarta kadib ayuu Matic qirtay in uu isagu leeyahay eeda soo gaadhay kooxda Man United kulankii Everton ee ka tirsanaa premier Legaue.

“Ma Jirin wax noo shaqeeyay maanta, waxa aan ahaa xiddiga ugu khibrada badan kooxda laakiin umaan ciyaarin si fiican”ayuu Matic yidhi.

“Xiddigaha da,yarka ah dusha kama saari karno xaalada, aniga ayaa ahaa dhibaatada ugu weyn”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here