Andy Robertson Oo Magacaabay Xiddiga Ay Tahay In Uu Ku Guulaysto Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Premier League Sanadkan.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Liverpool ee Andy Robertson ayaa magacaabay xiddiga u qalma in uu ku guulaysto abaalmarinta xiddiga ugu fiican premier League xilli ciyaareedkan.

Andy Robertson ayaa sheegay in daafaca Liverpool ee Virgil van Dijk u qalmo in uu ku guulaysto xiddiga ugu fiican premier League xilli ciyaareedkan.

Virgil van Dijk ayaa fure u ah tartanka ay Liverpool ugu jirto premier League xilli ciyaareedkan isaga oo ka caawiyay in laga dhaliyo kaliya 15 kulan premier League 28 kulan isaga oo sidoo kale ka caawiyay in ay Reds shabaqooda ilaashato 16 kulan.

Van Dijk, Sergio Aguero, Raheem Sterling iyo David Silva ayaa ah xiddigaha sida weyn ugu sharaxan in ay ku guulaystaan abaalmarinta xiddiga ugu fiican premier League xilli ciyaareedkan.

Robertson ayaana Van Dijk u doortay in uu ku guulaysto abaalmarinta marka loo eego qaab ciyaareedkiisa xilli ciyaareedkan.

“Hadii uu xilli ciyaareedku maanta dhamaado waxa aan abaalmarinta xiddiga ugu fiican siin laha Virgil van Dijk”.

“Waxa uu noloshayda iiga dhigaa mid fudud shaki la,aan”ayuu yidhi. “Ka garab ciyaarista aan ka garab ciyaarayo ayaa wax walba ii fududaysa”.

“Aniga ahaan waa xiddiga ugu fiican daafaca dhexe wakhti xaadirkan waxana uu ku ciyaarayaa kalsooni buuxda waxana uu u shaqeeyaa si adag”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here