Andrew Robertson Oo Markii Digniin U Digay Man City Ka Hor Kulanka Khamiista Ee Premier League

0

Xiddiga kooxda Liverpool ee Andrew Robertson ayaa digniin u diray kooxda Man City ka hor kulankooda khamiista isaga oo sheegay in ay Reds Diyaar u tahay in ay kulanka ku soo gali doonto sidii ay caadada u lahayd.

Roberton ayaa sheegay in ay kalsoonida xiddigaha Liverpool marayso cirka ka hor kulankooda iyaga oo rumaysan in ay badin karaan kulankaas waliba talaabo weyn u qaadi karaan ku guulaysiga horyaalka premier League.

Waxa ka soo wareegtay 29 sano markii ugu dambaysay ee ay Liverpool ku guulaystay horyaalka premier League laakiin Robertson ayaa sheegay in ayna ka wal-walsanayn cadaadiska tartanka premier League iyo in loo arko qaar ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka.

Roberton oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Dabcan waa kulan weyn hadii aan badino waxa aan 10 dhibcood ku qabanaynaa hogaanka waana wax weyn laakiin sidoo kale Man City ayaa raadin doonta in ay dhibcaha u soo yarayso 4 dhibcood”.

“Waa Koox cajiib ah waliba leh khibarad fiican waxana ay booska 1-aad ku jireen xilli ciyaareedkii hore wayna ku guulaysteen horyaalka waxana laga yaabaa in ay booska haatan anaga nooga khibrad badan yihiin laakiin waan eegi doonaa”.

“Waxa aan ku jirnaa wakhti fiican waxana aan ogahay in ay weerar ku bilaaban doonaan waana mid wal-wal leh laakiin waxa aan u baahanahay in aan ku jirno qaabkeena ugu fiican hadii aan doonayno in aan guul gaadhno”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here