Andrea Pirlo Oo Juventus Kula Taliyay In Ay U Dhaqaaqaan Xiddig U Ciyaara Arsenal

Halyeyega kooxda Juventus ee Andrea Pirlo ayaa kooxdiisii hore kula taliyay in ay u dhaqaaqaan xiddig u ciyaara kooxda Arsenal.

Andrea Pirlo ayaa kooxda Juventus kula taliyay in ay u dhaqaaqaan saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Aron Ramsey.

28 jirka reer Wales ayaa xor noqon doona xagaaga marka uu heshiiskiisa Gunners dhoco dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Ramsey ayaa ku dhawaaday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Arsenal ka hor inta ayna kooxdu la laaban dalabkii ay miiska u saartay xiddiga.

Haatan xiddiga reer Wales ayaa wadahadalo la furi kara kooxaha ka baxsan premier leageu marka la gaadho January si uu heshiis afka ah ula sii gaadho.

Kooxaha Juventus, Bayern Munich iyo PSG ayaa xiiso u qaba xiddiga reer wales iyaga oo doonaya in ay si xor ah ku helaan dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Laakiin Pirlo oo 4 Serie A kula guulaystay Juventus ayaa kooxdiisii hore u sheegay in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga.

“Ramsey waa saxiix cajiib ah”ayuu Pirlo u sheegay Sky Sport Italia.

“Juventus waxa ay diyaarinaysaa heshiis kale oo cajiib ah”.

“Waa Xiddig xoogan waxana uu si fiican ugu soo bixi doonaa Juventus”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here