Andrea Pirlo “Juventus way garaaci kartaa kooxda Ajax xitaa la’aanta Cristiano Ronaldo”

0

Ciyaaryahankii hore ee kooxda Juventus Andrea Pirlo ayaa xaqiijiyay in Bianconeri ay ku garaaci karto Ajax Amsterdam wareega siddeed dhamaadka ee tartanka Champions League.

Juventus ayaa marti u noqon doonta kooxda Ajax Amsterdam 10-ka bishan Abriil, halka kulanka lugta labaad lagu ciyaari doono magaalada Torino 16-ka isla bishaan.

Hadaba halyeeyga Andrea Pirlo ayaa la weydiiyay su’aal ah sida ay Juventus ugu guuleysan karto kooxda Ajax la’aanta Ronaldo, mar uu wareysi ku bixinayay wargeyska “Calcio Mercato” wuxuuna ku jawaab celiyay.

“Juventus waxay u muuqataa mid miyir-la’aan ah, sababtoo ah Cristiano Ronaldo mar walba wuxuu go’aamiyaa kulamadan oo kale”.

“Dabcan Bianconeri waxay garaaci kartaa kooxda Ajax xitaa la’aanta Cristiano Ronaldo”.

Intaas kadib halyeeyga kubadda cagta dalka Talyaaniga ayaa wuxuu amaan ugu qubeeyay macalinka kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri wuxuuna yiri:

“Massimiliano Allegri wuxuu muujiyay qiimahiisa, sanad kasta wuxuu sameenayaa horumar, waa mid ka mid ah tababarayaasha ugu fiican ee xilligan”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here