Ander Herrera Oo Ogolaaday In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo Man United

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Ander Herrera ayaa lagu soo waramayaa in uu ogolaaday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa Man United.

Xiddiga reer Spain ee 29 jirka ah ayuu heshiiskiisu dhamaan doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan laakiin heshiis cusub oo afka ah ayuu xiddigu la meel dhigay kooxda.

Man United ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqdo heshiiska cusub ee xiddiga maalmaha soo socda taas oo meesha ka saari doonta shakiga ku jira mustaqbalkiisa.

Mustaqbalka xiddiga ayaa u muuqday mid dhamaaday markii uu jose Mourinho joogay kooxda isaga oo ka baxay qorshaha tababaraha.

Laakiin Ole Gunnar Solskjaer ayaa si joogto ah u ciyaarsiiyay xiddiga ka hor inta uuna soo gaadhin dhaawac 3 todobaad ah garoomada uga maqnaan doona.

Xiddiga reer Spain ee Herrera ayaa jooga kooxda Man United muddo 5 sano isaga oo kaga soo biiray kooxda Atletic Bilbao .

Shakiga laga qabay mustaqbalka xiddiga ayaa heegan galiyay kooxda Barcelona iyo Bilbao kuwaas oo doonayay adeega xiddiga 29 jirka ah laakiin arintaas ayaa haatan u muuqata mid meesha ka baxaysa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here