Ander Herrera Oo Ku Dhaw In Uu Ka Tago Man United & Kooxda Dalab Waali Ah Ku jiidanayso Oo La Ogaaday

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Ander Herrera ayaa qarka u saaran in uu isaga tago kooxda Man United sida ay sheegayaan wararku.

Wadahalada heshiis kordhinta ah ee ay Red Devils kula jirto xiddiga ayaa laga yaabaa in ayna ku filnaan in ay xiddiga ku sii hayaan premier league.

Imaanshaha tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa xiddiga reer Spain ka caawiyay in uu dib u helo booskiisii joogtada ahaa ee kooxda.

Laakiin dalab Rasmi ah oo uga yimid kooxda PSG ayaa xiddiga ka kaxayn kara kooxda Man United dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Ugu horayn wargayska The Sun ayaa sheegay in ay Man United wadahadalo horumar leh kula jirto xiddiga si ay uga saxiixato heshiis cusub.

Laakiin wargayska MARCA ayaa haatan sheegaya in uu Herrera kooxda PSG ka helay dalab uu todobaadkii ku qaadanayo 173 kun oo Gini kaas oo ah mid ay adagtahay in uu diido.

Herrera ayaa soo afjari doona muddo 5 sano ah oo uu joogay Old Trafford hadii uu aqbalo dalabka ay ka soo gudbisay kooxda ku ciyaarta Parc des Princes.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu xiddigu si aad ah ugu dhaw yahay in uu heshiis la gaadho kooxda PSG

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here