Ander Herrera Oo Ku Biiray Kooxda PSG & Maalmaha Soo Socda Oo Lagu Dhawaaqi Doono Heshiiska

Kooxda Man United ayaa dhirbaaxo la kulantay kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in heshiiskii uu Ander Herrera ugu biirayay kooxda Paris Saint-Germain uu haatan ku dhaw yahay in si Rasmi ah loo dhamaystiro xilli uu si xor ah ugu biiri doono kooxda caasimada Frnce ka dhisan.

Wargayska The Sun ayaa bishii hore sheegay in ay kooxda Reer France doonayso in ay xiddiga hesho iyaga oo wadhaadalo kula jiray una soo bandhigay mushahar uu todobaadkii qaadan doono 150 kun oo Gini.

Xiddiga khadka dhexe ayuu heshiiskiisa United dhici doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan Man United ayaana ku rajo weynayd in ay xiddiga ku sii hayso kooxda.

Si kasta ha ahaatee 29 jirka ayaa haatan ku biiri doona kooxda PSG dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib markii uu hehsiis Rasmi ah la galay xiddiga reer Spain.

Herrera oo man United 29 milyan ugu soo biiray xagaagii 2014 ayaa 26 kulan u saftay kooxda xilli ciyaareedkan halka uu sidoo kale ku guulaystay xiddiga ugu fiican Man United ee xilli ciyaareedkii 2017.

Xiddiga iyo PSG ayaa haatan sugaya in la dhamaystiro talaabo yar ka hor inta ayna maalmaha yar ee soo socda si Rasmi ah ugu dhawaaqin heshiiska xiddiga reer Spain.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here