Ander Herrera Oo Ka Xanaajiyay Maamulka PSG & Man United Oo Ay Faa,iido U Tahay

0

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Ander Herrera ayaa ka xanaajiyay maamulka Kooxda PSG kuwaas oo adeegiisa doonaya dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Spain ayuu heshiiskiisu dhici doonaa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan ilaa haatana heshiis cusub umuu saxiixin kooxda Man United.

Wararka ayaa sheegayay todobaadyadii ugu dambeeyay in uu Herrera ku biiri doono kooxda PSG Marka uu dhoco heshiiskiisa Man United ee dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib markii uu dalab cajiib ah ka helay.

Laakiin Wargayska Paris Team ayaasheegaya in ay maamulka PSG si weyn u xanaaqsan yihiin iyo Herrera oo sabab u ah.

Wargayska ayaa intaas ku daraya in uu Herrera heshiis afka ah u ogolaaday in uu ku biiro kooxda PSG laakiin si weyn dib ugu dhigay in uu si Rasmi ah heshiiska u saxiixo.

Arintaas ayaa keentay in ay maamulka PSG ka xanaaqaan sidoo kale wal-wal ku keentay maamulka kooxda maadama ay doonayeen in ay si deg-deg ah u dhamaystiraan heshiiska xiddiga.

Arintan ayaa war farxada u ah kooxda Man United kuwaas oo wali doonaya in ay heshiis cusub ka saxiixdaan xiddiga maadama uu ka mid yahay qorshaha tababare Solskjaer.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here