Alvaro Morata: Waxa Aan Iska Diiday Barcelona & Bayern Munich Si Aan Ugu Biiro Atletico

Xiddiga Cusub ee kooxda Atletico Madrid ee Alvaro Morata ayaa xaqiijiyay in uu si fudud isaga diiday ku biirista kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich si uu ugu biiro kooxda Atletico Madrid.

Kooxda Atletico Madrid ayaa Isniintii Si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa Alvaro Morata kaas oo ay heshiis amaah ah oo 2 xilli ciyaarood ah kula soo wareegeen.

Alvaro Morata ayaa si weyn loola xiriirinayay kooxo ay ka mid yihiin Barcelona iyo Bayern Munich kuwaas oo doonayay adeegiisa.

Markii la waydiiyay sababtii uu isaga diiday kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich una doortay Atletico Madrid ayuu yidhi” Waxa uu ahaa go,aam fudud, wax walba waxa aan joojiyay markii uu wakiilkaygu ii sheegay suurtagalnimada aan ugu biiri karo Atletico”.

“Haatan waxa aan joogaa Halkan, Atletico Madrid waana arinta muhiimka ah”.

Xiddigan ayaa weerarka Atletico kula midoobi doona xiddiga ay isku dalka yihiin ee Costa kaas oo haatan u jooga Atletico Madrid.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here