Alvaro Morata Oo Chelsea Gaarsiiyay Wareegga 4-aad Ee FA Cup-ka , Waa Markii 21-aad Ee Xariir Ah

0

Labada koox ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah inkastoo Chelsea ay maamulka kubadda ku badneyd , waxa ayna labada koox ciyaarayeen kullan ka tirsan wareegga 3-aad ee FA Cup-ka .

Daqiiqaddii 29-aad ee qeybta hore Chelsea waxaa rigoore ka qasaariyay oo laga bad baadiyay Fabregas balse guud ahaan qeybtaas hore Chelsea kaliya waxaa ka maqnaa dhalinta goolal .

Kooxda Nottingham Forest mararka qaar waxa ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah balse ma laheyn dhameystir .

Qeybta labaad dar dartii Chelsea waa sii xoogeystay waxa ayna wadeen dagaal ah in waqti hore wax ka badalaan natiijada ciyaarta waxaan daqiiqaddii 49-aad gool dhaliyay Alvaro Morata.

Ka dib goolkaas , kubadda degsiimo ayay yeelatay balse kooxda martida waxaa ku adkeyd in kubadda gaarsiiyaan aagga goosha Chelsea waxaana lagu helay gool labaad isla Morata ayaana ka dhaliyay daqiiqaddii 59-aad

Nottingham Forest dhamaadkii kubadda waa ay gaarsiinayeen goosha Chelsea balse daafaca Chelsea ayaa ahaa kuwo foojigan , waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay guul ay Chelsea ku gaartay laab gool

Waxa ay Laacibkii.com xuseysaa in Chelsea ay xili ciyaareedkii 21-aad ee isku xiga ay soo gaarayaan wareegga 4-aad ee FA Cup-ka

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here