Alvaro Morata -> Atletico Madrid, Gonzalo Higuain -> Chelsea; Faah-Faahinta Heshiisyada Labada Xiddig Oo La Ogaaday

Kooxda chelsea ayaa ku dhaw in ay Alvaro Morata ka iibiso kooxda Atletico Madrid laakiin kaliya doonaysa in ay heshiis amaah ah ku qaadato Gonzalo Higuain sida la sheegayo.

Gonzalo Higuain ayaa si weyn loola xiriirinayaa kooxda chelsea waxana kaydka la dhigay kulankii Supercoppa ee ay Ac Milan guuldarada kala kulantay kooxda Juventus.

Xiddiga reer Argentine ayaa kooxda Ac Milan ku riixaya in uu Maurizio Sarri kula midoobo kooxda chelsea.

Wargaysyada La Gazzetta dello Sport, Tuttomercatoweb iyo qaar kale ayaa sheegaya in uu Morata aad ugu dhaw yahay in uu ku biiro kooxda Atletico Madrid waliba Aqabalay kooxda reer Italy.

Labada kooxood ayaa haatan ka shaqaynaya faah-faahinta heshiiska laakiin ku dhawaaqista heshiiska ayaa si aad ah u dhaw.

Taas ayaa albaabka Stamford Bridge u furaysa Higuain laakiin Blues ayaa diidan in ay bixiso lacagta tooska loogula wareegayo xiddiga.

Laakiin waxa ay doonayaan in ay xiddiga ku qaataan heshiis 6 bilood ah kadib uu dib ugu laabto kooxda Ac Milan dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib kooxdaas si toos ah ula wareegto.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here