Allegri, Pulisic, Higuain, Lozano, Fabregas, Diaz & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala iibsiga

0

Waxa fooda inagu soo haya furitaanka suuqa kala iibsigaJanuarykaas oo ay kooxo badan suuqa u gali doonaan sidii ay u xoojinlahaayeenkooxdooda si koobabka ugu tartamaan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka

Sidoo kale waxa jiri doona xiddigo si aad ah u doonaya inayisaga tagaan kooxaha ay haatan joogaan sabab la xidhiidha ciyaaris la,aan siayu raadsadaan koox ay si joogto ah ugu ciyaaraan

Hadaba kooxda.com ayaa idiin soo gudbin doonta maalinwalbasubaxnimadawararkii ugu dambeeyay ee ay wargaysyada kubada cagtu kaqoreensuuqa kala iibsiga.

Kooxda Liverpool ayaa ku dhaw in ay Chelsea ku garaacdo saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Christian Pulisic (Sun).

Da,yarka kooxda Chelsea ee Callum Hudson-Odoi ayaa bartilmaameed xoogan u noqday kooxda Bayern Munich kuwaas oo diyaar ula ah dalab 13 milyan ah (Mail).

Man City ayaa filaysa in ay faa,iido ka hesho iibka ay xiddiga Brahim Diaz 15 milyan uga iibinayso kooxda Real Madrid xilli uu heshiisku dhamaad ku dhaw yahay (Mail).

Kooxda Man City ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga daafaca Bidix uga ciyaara kooxda Leicester City ee Ben Chilwell laakiin uma dhaqaaqi doonto adeegiisa suuqa Janaruy (Mail).

Tababaraha Kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri oo lala xiriirinayo kooxda Man United ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay kooxda Juventus (Calciomercato).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Sevilla ee Ever Banega ayaa ku dhaw in uu ku biiro kooxda Arsenal kadib markii uu wakiilkiisu u soo duulay London (Sun).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa iska diiday heshiis cusub oo ay Real Madrid u soo bandhigtay xilli uu 33 jirku doonayo in uu isaga tago kooxda (AS).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Chelsea ee Cesc Fabregas ayaa fasax loo siiyay in uu si xor ah uga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan (MARCA).

Agaasimaha Kooxda Ac Milan ee Leonardo ayaa sheegay in ayna kooxda chelsea wax xiriir ah ka soo gudbin xiddiga weerarka uga ciyaara Milan ee Gonzalo Higuain (Evening Standard).

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda PSV Eindhoven ee Hirving Lozano ayaa ka mid ah xiddigaha ugu horeeya ee diirada u saaran kooxda Chelsea (Express).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here