Allegri: Juventus Waxa CR7 Ula Soo Saxiixatay Halkan Arin, Wuuna Qabtay Shaqadiisii Ugu Horaysay

Cristiano Ronaldo ayaa kooxda Juventus ku hogaamiyay koobkii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan kadib markii ay Juventus goolkii uu dhaliyay Ronaldo ku qaaday koobka Supercoppa.

Tababare Max Allegri ayaa qirtay in ay kooxda Juventus Cristiano Ronaldo ula soo saxiixatay in uu kooxda ku hogaamiyo guulo goolalna u dhaliyo wakhtiga muhiimka ah.

Gool uu Cristiano Ronaldo dhaliyay daqiiqadii 61-aad ayaa Juventus kaga filnaatay in ay kor u qaado koobkii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan.

“Waxa uu ahaa kulan xiiso leh oo la sameeyay fursado dhawr ah, waxa aan la ciyaaraynay koox adag oo Ac Milan la yidhaahdo kuwaas oo nagu keenay dhibaatooyin badan laakiin kaadhkii casaa ayaa na caawiyay”.

“Waxa aan Cristiano Ula soo saxiixanay in uu goolal dhaliyo kulamada waaweyn, waana wixii uu sameeyay finalkiisii ugu horeeyay ee kooxda”ayuu u sheegay Rai Sport.

Cristaino Ronaldo ayaa dhankiisa muujiyay faraxadiisa uu ku qabo in uu Juventus kor ugula qaaday koobkiisii ugu horeeyay 6 bilood ka hor markii uu ku soo biiray kooxda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here