Alisson Oo Sheegay Waxa Ay Liverpool U Baahantahay Si Ay Ula Wareegto Hogaanka Premier Leageu

Goolhayaha Kooxda Liverpool ee Alisson Becker ayaa shaaca ka qaaday qaabka ay kooxda Man City uga soo ceshan karaan kaalinta 1-aad kadib markii ay City kala wareegtay hogaanka Arbacadii kadib markii ay garaacday Everton.

Alisson Becker ayaa qirtay in ay kooxdiisu muujisay amaan la,aan kulankii ay bar-baraha la galeen kooxda West Ham taas oo ka caawisay in ay City la wareegto hogaanka.

Goolhayaha reer Brazil oo la hadlaya Sky Sport ayaa yidhi” Waxba kama odhan karo arintaas, waxa aan rumaysanahay in aan ku guulaysan karno horyaalka”.

“Waxa aan muujinay in aanu fiicanhayay waanan sii wadi doonaa arintaas kulanba kulanka ka dambeeya, waxa aan ka fikiri doonaa kulanba kulanka ka xiga anaga oo aan ka wal-walin kooxaha kale”.

“Qof walba waxa uu doonayaa in aan ku guulaysano horyaalka laakiin wal-walkeena ayaa haatan ah in aanan dhibco lumin”.

“Kama fikirayno Man City, waxa kaliya ee aan ka fikiraynaa nafteena waxa kaliya ee aan ka fikiraynaa qaabkii aan horay ugu socon lahayn”.

“Run ahaantii waan doonayaa in aan ku guulaysano horyaalka laakiin waxa aan u baahanahay in aan guulo gaadhno, waxa aan u baahanahay in aan diirada saarno kooxda aan la ciyaarayno, si aan ugu soo laabano kaalinta 1-aad ee horyaalka waxa aan u baahanahay in aan guul gaadhno kulamada laga bilaabo sabtida”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here