Alisson Mise Manuel Neuer? Oliver Kahn Oo Doortay Goolhayaha Fiican

Halyeeyga reer Germany ee Oliver Kahn ayaa is bar-bar dhigay goolhayayaasha u ciyaara kooxaha Liverpool iyo Bayern Munich ee Manuel Neuer Iyo Aliison.

Goolhayaha Liverpool ee Alisson ayaa ka fiican goolhayaha Kooxda Bayern Munich ee Manuel Neuer sida uu sheegay Halyeeyga reer Germany ee Oliver Kahn.

Alisson ayaa sabab u ah qaab ciyaareedka cajiibka ah ee Liverpool tan ilaa markii uu kooxda kaga soo biiray Roma xagaagii isaga oo soo bandhigay wacdaro cajiib ah

Kahn ayaa sheegay in qaab ciyaareedka cajiibka ah ee Alisson ee xilli ciyaareedkan iyo qaab ciyaareedkii uu soo bandhigay koobkii adduunka in uu ka fiican yahay Goolhayaah Bayern ee Neuer.

“Wakhti xaadirkan waxa fiican Alisson”ayuu Kahn u sheegay DZN markii loo sheegay in uu kala doorto labada goolhaye.

“Waxa uu muujiyay koobkii adduunka in uu yahay goolhaye heer sare ah, Neuer umuu ciyaarin sidii ugu fiicnayd tan ilaa markii uu ka soo laabtay dhaawaca”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here