Goolhayaha Kooxda Liverpool ee Alisson Becker ayaa shaaca ka qaaday sababtii uu isaga diiday ku biirista kooxda chelsea una doortay Liverpoool.

Alisson Becker ayaa Liverpool ku soo biiray sanadkii 2019 waxana uu ka mid noqday xiddigaha ugu muhiimsan kooxda isaga oo door weyn ka qaatay ku guulaysiga kooxda ee koobabka.

Ka hor intii uuna Alisson Becker ku biirin Liverpool waxa uu ka hor tagay isaga oo u ciyaara Roam kulan ka tirsanaa Semi-final-ka champions League 2018 markaas oo ay Reds ku badisay 5/2.

“Waxan u malaynayaa kulankii Anfield ka dhacay ayaa igu qanciyay in aan ku biiro Liverpool, kadib markii aan si dhaw u arkay jawiga garoonka”ayuu Alisson Becker u sheegay UOL Sport.

“Kooxda chelsea ayaa dalab ka helay ka hor intii aanan go’aansan in aan ku biiro laakiin markii aan dareemay jawiga Anfield waxa aan go’aansaday in aan ku biiro Liverpool”ayuu sii raaciyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here