Alexis Sanchez Oo Si Qiiro Ku Jirto Uga Hadlay Jacaylka Uu U Qabay Man United Ilaa Yaraantiisii

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Alexis Sanchez ayaa fariin u diray taageerayaasha Kooxda Man United isaga oo ka hadlay jacaylkii uu yaraantiisii u qabay kooxda Man United.

Kadib markii uu Sanchez United kaga soo biiray Arsenal xiddiga ayaa ku fashilmay in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo.

“Waxa aan doonayaa in aan dadka tuso jacaylka aan u qabo kubada cagta iyo kooxda Man United waxana aan ku kalsoonahay awoodayda”ayuu sanchez u sheegay ilo ku dhaw kooxda Man United.

“United waa koox muhiim ah, kaliya ma ahan England laakiin adduunka oo dhan waxana aan jecelahay in aan koobab keeno kooxda taageerayaasha dartood”.

“Sida iska cad waxa aan doonayaa in aan taageerayaasha United ka farxayo waxa aan doonayaa in aan goolal dhaliyo”.

“Markii aan da,yarka ahaa waxa aan jeclaa Man United “Waxa aan ku dhaaranayaa markii aan yaraa waxa aan jeclaa Man United, waxana aan doonayaa in aan muujiyo arintaa waliba ka farxiyo Taageerayaasha Man United”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here