Alexis Sanchez Oo Ka Hadlay Xaqiiqada Wararka Sheegaya In Uu Shardi Ku Galay Shaqo Ka Caydhintii Jose Mourinho.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Alexis Sanchez ayaa ka hadlay xaqiiqada wararka sheegaya in uu shardi ku galay shaqo ka caydhinta Jose Mourinho ka hor intii aa tababaraha la caydhin.

wargaysyada England ayaa saacadihii ugu dambeeyay si weyn iskula dhex marayay shardi dhex maray xiddigaha Alexis Sanchez iyo Marcos Rojo kuna saabsan shaqo ka caydhintii tababare Jose Mourinho.

Sanchez ayaa wararkaas si adag uga jawaabay isaga oo bogiisa Twitter-ka ku soo qoray”Warkaas waa been, Jose Mourinho waxa uu i siiyay fursad aan ugu ciyaaro kooxda ugu fiican adduunka, kaliyana waxa aan u hayaan abaal isaga, waxa aan run ahaantii nahay koox isku duuban, waxa aan nahay Manchester United”.

Jose Mourinho ayaa laga caydhiyay shaqada Man United salaasadii kadib markii ay United guul daro weyn kala kulantay kooxda Liverpool kulan ka tirsanaa premier League.

Sanchez ayaa haatan uga maqan kooxda Man United dhaawac kaas oo uu muddo kaga maqanaa kooxdiisa.

Xiddiga reer Chile ayaa xiriir xun la lahaa tababarihii hore ee Man United Jose Mourinho isaga oo kulamo badan kaydka dhigay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here