Alexis Sanchez Oo Isaga Tagaya Man United & Kooxda Uu Ku Biiri Karo Oo Si Maldahan Loo Ogaaday

Kooxda Man United ayaa isku diyaarinaysa in ay Iska Fasaxdo Alexis Sanchez iyaga oo xitaa diyaar u ah in ay amaah ku fasaxaan xiddiga ugu mushaharka badan kooxda sida ay sheegayaan wararku.

Sanchez ayaa lagu soo waramayaa in uuna ku jirin qorshaha tababare Ole Gunnar Solskjaer kaas oo ku dhaw in uu si buuxda ula wareego shaqada tababaranimo ee Man United dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay Man United si aad ah u doonayso in ay iska fasaxdo xiddiga iyaga oo xitaa diyaar u ah in ay dhagaystaan dalabka amaahda ah si ay u dhimaan mushaharka waalida ah ee uu qaato.

Xiddiga reer chile ayaa heshiis 4 sano iyo badh ah qalinka ku duugay markii uu United kaga soo biiray Arsenal suuqii January ee sanadkii hore isaga oo qalinka ku duugay heshiis uu todobaadkii ku qaadanayo 400 kun oo Gini kuna gacaya 500 kun oo Gini marka lagu daro gunooyinka.

30 jirkan ayaa lagu arkay garoonka Barcelona ee Camp Nou sabtidii kulankii ay Barcelona 3/1 ku garaacday kooxda Rayo Vallecan taas oo dabka ku shiday wararka sheegaya in uu ku laabanayo Spain.

Waxa uu haatan ku maqan yahay dhaawac jilibka ah taas oo ay u badantahay in uu ku seego garoomada inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here