Alexis Sanchez Oo Fariin U Diray Taageerayaasha Kooxdiisa Ka Hor Kulankiisa Ugu Horeeya Ee Tababare Ole Gunnar Solskjaer

0

Alexis Sanchez ayaa u muuqda mid diyaar u ah kulankiisii ugu horeeyay ee uu ka hoos ciyaaro tababare Ole Gunnar Solskjaer xilli uu ku dhaw yahay in uu ku soo laabto Man United.

Xiddiga reer Chile ayaa dhaawac muruqa ah ku maqnaa tan ilaa dhamaadkii bishii November waxana uu seegay 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee Man United.

Intii uu dhaawaca ku Maqnaa United ayaa go,aansatay in ay shaqada ka caydhiso Jose Mourinho si ku meel gaadh ahna ugu dhiibtay Ole Gunnar Solskjaer.

Ole Gunnar Solskjaer ayaana si cajiib ah ku bilowday kadib markii uu kooxda ku hogaamiyay 2 guulood oo cajiib ah kooxaha Cardiff City iyo Huddersfield.

United ayaa dhalisay 8 gool labadaas kulan Sanchez ayaana si aad ah u doonaya in uu ku soo laabto booskiisa Man United kadib markii uu tababare Ole Gunnar Solskjaer qaab ciyaareed weerar ah keenay kooxda.

Sanchez ayaa haatan isku diyaarinaya in uu ku soo laabto kooxda Man United kulanka ay la ciyaari doonto Bournemouth Sabtida isaga oo taageerayaashiisa Fariin u diray.

30 jirka reer Chile ayaa bogiisa Instagram-ka soo dhigay muuqaal uu ku muujinayo in uu diyaar u yahay ku soo laabashada kooxdiisa kuna soo laabtay tababarka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here