Alexis Sanchez Oo Doonaya In Uu United Kula Guulaysto Champions League, Kooxdiisana U Sheegay Halka Wado Ee Ay Ugu Gudbi Karaan Wareega Xiga Ee Tartanka

0

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Alexis Sanchez ayaa shaaca ka qaaday koobka uu doonayo in kula guulaysto kooxda Man United.

Alexis Sanchez oo suuqii January ee 2018 ku soo biiray kooxda Man United ayaa qirtay in uu rajaynayo in uu Man United kula guulaysto koobka Champions League.

Wargayska Mirror ayaa soo gudbiyay waraysiga xiddiga reer Chile kaas oo yidhi”Ku guulaysiga champions League waa riyo xiddig kasta waxana aan kula guulaystay Barcelona”.

“Laakiin waxa aan rajaynayaa in aan kula guulaystay kooxda Man United, maxaa Diiday”

“Wax walba way dhici karaan kulanka PSG waxa la ciyaari doonaa 180 daqiiqo waxana waajib nagu ah in aanu dagaalano”.

“Hadii aan PSG ku garaacno Old Trafford oo aan wax gool ah nalooga dhalin waxa u malaynayaa in aan ugu cad-cadnahay in aan u gudbno wareega xiga”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here